Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal ciidan iyo dad kale oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay weerar qorsheesan ku qaaday maqaayad kutaala Suuqa Weyn ee degmada Wadajir , waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda hubeesan ayaa halkaasi ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya oo lagu magacaabayay Cali Muuse (Cali Dahab ) iyo askari ilaalo u ahaa, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhintay qof shacab ah oo maqaayada ku sugnaa.

Weerarkan hubeesan ee ka dhacay degmada Wadajir ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday kooxdii weerarka ka dambeesay oo biskoolado ku hubeesnaa.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta dilalku ka dhaceen, waxa ayna ciidanka halkaasi ka qaadeen dadkii la dilay iyaga oo ku guul dareestay in ay soo qabtaan ragii weerarka fuliyay.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada dil loo geestay  Cali Muuse (Cali Dahab ) iyo Xasan Dacar. waxa ayna Al Shabaab sheegeen in kooxdii dilka fulisay horey usii qaateen biskoolado ay wateen raga la dilay.

Dilalka qorsheesan ee loo geesto saraakiisha iyo ciidanka dowlada ayaa mararka qaar ka dhaca xaafado katirsan magaalada Muqdisho, waxaana inta badan baxsada raga fuliya dilalkan qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Deni wuxuu soo tuuray falaar sumeysan oo Villa Somalia aysan iska difaaci karin”

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo fariin adag u diray Dowladaha Turkiga, Qatar iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Waa kuma Yaxya Sinwar, Hogaamiyaha bedelay Ismacil Hania?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---