Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Sanadguuradii 5aad ee aasaaska Hirshabelle oo xalay Jowhar laga xusay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka caawa ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo loogu dabaal degayay sanad guurada 5aad ee aaasaaska Dowlada Hirshabeelle.

Munaasabadaan laguĀ  xusayay sanad guurada 5aad ee aasaaska Hirshabeelle waxaa la kaqeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaaalka Senatarada Cusub ee Hirshabeelle Xildhibaanada golaha shacabka, wasiirada iyo xildhibaanada Hirshabeelle boqolaal dadweyne ah bahda fanka iyo marti sharaf kala duwan.

Xaflada Xuska Sanad Guurada aasaaska Hirshabeelle oo khudbado laga soo jeediyay ayaa aad loogu hambalyeeyay Madaxda Dowlada iyo Shacbiga Hirshabeelle.

Munaasabada inta ay socotay waxaa qadka zoomka uga qeybgalay Raisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ugu Hambalyeey Hogaanka iyo Shacabka Hirshabeelle xuska Sanad guurada 5aad ee Aasaaska Dowlada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Munaasabada ka hadlay ayaa guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay 5-ta October oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in guulo badan la gaaray hada ay diyaar u yihiin inay la tashtaan cidwalba oo tabasho qabto, xalkana uu ku yimaado in la isa soo hor fariisto oo lawada hadlo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay masuuliyiin si wanaagsan ula shaqeeyay Dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qorshaha Sugida amaanka Muqdisho oo dib u eegis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo lagu riday Xukun aan horey dalkaasi uga dhicin

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Puntlnad oo la qarxiyey & sir Madaxweyne oo la kashifay

admin
Taboola Ads ---