Allbanaadir.com
NEWS

Maxay Itoobbiya Dalkeeda Uga Erisay Saraakiisha Qaramada Midoobay? (Wax ka Ogow)

Itoobbiya oo ku eedeynayso faraggelin ayaa September 30, 2021 ka eriday dalkeeda toddobo sarkaal oo ka tirsan Qarammada Midoobay  (QM).  Tallaabadaas oo saameyn karta qaybinta gargaarka ayaa walaac aad u weyn ku ridday QM xilli Itoobbiya looga yaabo inay ka dhacdo macluushii ugu xumayd dunida tobankii sanadood ee tegay.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobbiya ayaa lagu sheegay in saraakiisha oo ay ka mid yihiin madaxda UNICEF iyo UNOCHA ay dalka iskaga baxaan 72 saacadood gudahood. Eedda waxay tahay inay “ku guuldarraysteen gudashada waajibaadkooda si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah taasoo waafaqsan mabaadi’da gargaarka bani’aadamnimada ee QM iyo is-afgaradka Itoobbiya ay la gaareen (Addis Stanadard 01/10/2021).

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres oo aan kor u dhawaaqin ayaa isku dayay in arrinka hoos u xalliyo, balse uma suuraggelin. Golaha Amniga QM oo shir albaabbaha u xiran yihiin ka yeeshay xaaladda maalintii Jimcaha wax tillaabo ah ma qaadin. Maraykanka ayaa ku hanjabay inuu ku soo rogi doonto dhinacyada dagaallamaya cunaqabateyn la xiriirta “horumar la’aanta nabad raadinta.”

Si aysan u hakan qaybinta gargaarka, Itoobbiya waxay ugu baaqday QM inay si degdeg ah ugu soo dirto beddelka shaqaalahaas. Dhibaatada ayaa ka billaabatay 400 gaari xamuul gargaar u siday gobolka Tigray oo xayirmay, taasoo sii xumaysay xaalaadda bini’aadamnimada ee ka taagan Itoobbiya.

Goor sii horraysay ayey dowladda Itoobbiya joojisay howlgalladii hay’ado gargaar oo lagu eedeyey inay taageeraan qadiyadda siyaasadeed ee TPLF faafinayeenna warar aan sugnayn (The Guardian 06/08/2021). Muddo ku dhow sanad ayaa gobolka Tigray waxaa ka socday colaad abuurtay macluul kaddib markii TPLF ay dagaalka si macno darra ah ugu faafisay degaanada Amxaarada iyo Cafartaba.

Faraggelinta QM ayaa ah wixii ugu dambeyey ee ka dhaca Itoobbiya. Waxaa isweydiin u baahan, dagaalka siyaasadeed ee ay Itoobbiya kula jirto gacmaha aan muuqan ma waxaa kiciyey biyaha Niil, istrateejiyad daahsan, mise loollanka ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha?

Itoobbiya waxay marar badan ka digtay in shaqaale gargaar oo aan la magac dhabin ay garabsiiyaan TPLF (AP 15/07/2021). Hay’adaha “Doctors Without Borders” iyo “Norwegian Refugee Committee” ayaa looga joojiyey hawlahoodii inay si sharcidarro ah uga soo dejiyeen Itoobbiya qalabka idaacadda dayax-gacmeedka keeneenna shaqaale aan haysan oggolaansho sax ah.

Inkastoo aysan gabi ahaanba ahayn mid aan hore loo arag in dal uu masaafuriyo saraakiisha QM, haddana wixii ka dambeyey erintii Nicholas Haysom, QM waxay la’dahay diblomaasiyiin sumcad leh oo madax u noqday hawlgallada caalamka.

Dhinaca kale, ka baaqashada kormeerka doorashada dimuqraaddiga ahayd ee reer Yurub ayaa si weyn ugu muuqatay marmarsiinyo lagu wiiqayo dalkaas. Sidaas oo ay tahay, Itoobbiya waxay ku guuleysatay damaanad qaadis codbixin madaxbannaan, iyadoo Khamiistii la qabtay qaybtii labaad ee doorashada baarlamaanka gobollo ay ka mid yihiin kan Soomaalida iyo Hararba.

Abiy Axmed waxuu soo afjaray soddon sano oo xukunka Itoobbiya uu gacanta ugu jiray TPLF. Waxuu sii daayey maxaabbiistii siyaasadeed isagoo ballanqaaday doorashooyin dimuqraaddi ah. Rajadiisu waxay tahay inuu nabad iyo horumar siyaasadeed iyo dhaqaaleba u horseedo Geeska Afrika.

Balse, ma cadda in colaadda ka dhalatay aragti ku kala duwanaanta mustaqbalka siyaasadeed ee Itoobbiya la soo afjari doono, inta reer Galbeedku gardarada ugu hiilinayo TPLF doonaynna inay fahmaan halka dhibka ka jirto. Maamulka Biden waxuu u baahan yahay inuu fahmo mushkiladda intaysan ku wada faafin gobolka.

W/Q AbdulQadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/yHrjYgn_goE

Related posts

Dhac Nuuc cusub ah kana argagaxeen Shacabka oo kusoo kordhay Muqdisho !!

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo Kormeer ku tagey Dekadaha Tajoro iyo Gubeet (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh & telefan kula xiriiray dhigiisa Turkiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---