Allbanaadir.com
NEWS

Taliyeyaasha Booliska saldhigyada Muqdisho oo la isku shaandheeyey & haweeney lagu soo daray (Magacyada)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameriko ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey taliyayaasha saldhigyada Booliska Muqdisho qaarkood

Isbedelkaas ayaa saameeyey taliyayashii hore qaarkood oo xilalka laga qaaday, halka taliyayaal cusub lagu soo daray, iyadoo ujeedada arintan laga leeyahay lagu sheegay dardar gelinta amniga caasimada.

Dhamme Raxma Xasan ayaa ka mid noqotay taliyaasha la Magacaabay, waxana aad u soo dhaweyey Bulsahda ku nool degmada Shangaani ee Gobolkan Banaadir, waana markii ugu horeysay ee haweeney lagu soo daro taliyeyaasha booliska degmooyinka.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maalmaahan waday qorsho horumarin iyo dib u dhis loogu sameynayo ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Liiska hoose ka akhriso Isbedelada lagu sameeyey talisyada Booliska Saldhigyada Muqdisho.

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada Kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartana badda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Doorashada uu ku guuleestay Cabdi Xaashi

Cabdi Cade

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo Tababar loogu soo xiray Turkiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowadda oo qaaday tallaabo ay kusoo jiidaneyso dadka degan Masagawaa (Sawirro

Cabdi Cade
Taboola Ads ---