Allbanaadir.com
NEWS

Rooble iyo Dhigiisa dalka Qatar oo wada jir u guddoomiyay kulan Muhiim ah (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Dhiggiisa Qatar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani ayaa wada jir u guddoomiyay kulan ay yeesheen xubnaha Wasiirrada ah ee qeybta ka ah wefdiga R/ Wasaaruhu la yeesheen dhiggooda dalka Qatar.

Kulankan ee yeesheen Wasiirada Xukuumada Soomaaliya iyo kuwa dowlada Qatar ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashi toos ah oo dhax mara wasaaradaha labada dal.

Labada Ra’isul Wasaare ayaana soo dhaweeyay in iskaashi iyo wada shaqeyn dhaw yeeshaan Xukuumadaha Soomaaliya iyo Qatar lagana shaqeeyo sidii loo dar dargalin lahaa wada shaqeynta labada Xukuumadood.

Dowlada Qatar ayaa si weyn u taageerta dowlada Soomaaliya uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana safarkan Rooble ku tagay Qatar kusoo aadayaa xili khilaaf xoogan u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/yHrjYgn_goE

Related posts

Maxay dowlada Mareykanku ka tiri falkii foosha xumaa ee lagu gubay Quraanka?

Caydiid Ali

Ruto oo ku dhawaaqay qorshe kale uu xal ku raadinayo

Cabdi Cade

(Daawo) Xassan Shiikh oo khudbad xasaasi ah u jeediyey shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---