Allbanaadir.com
NEWS

Khayre oo ka hadlay Khilaafka Rooble iyo Farmaajo, arrimaha Galmudug iyo Kiiska Ikraan

Musharax Xasan Cali Khayre ayaa ugu horreyn caddeeyay inuu aad uga xunyahay khilaafka Siyaasadeed ee ka dhexeeya madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo Ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta, oo uu sheegay inuu waxyeello xoog leh oo dhinac walba ah dalka soo gaarsiiyay.
 
“Waxaa luntay xasilloonidii siyaasadda, waxaa dhaawac gaaray dhaqaalihii dalka, waxaa halis galay Hay’adihii Ammaanka, waxaa sii laciifaya rajadii ay beesha caalamku ka qabtay geeddi socodka dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri musharrax Xasan Cali Khayre.
 
Khayre waxuu intaas raaciyay in khilaafku uu saamayn ku yeeshay habsami u socodka doorashooyinka, cidda kaliya ee khilaafka ka macaashtayna ay tahay kooxaha Argagixisada ah, waxuuna waxaan ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan khilaafka loo soo afjaro si dalka looga badbaadiyo waxa uu ugu yeeray “xaaladaha Qallafsan ee hadda taagan”.
 
“Soomaaliya tallaal kama qaadan wixii ka dhacay Afganistan oo aad ogtihiin in markii ay dunidu ka quusatay ay isaga tagtay kaddibna ay dib u qabsadeen Taliban. Si aan taas uga baaqsanno, shacabkeennana ugu adeegno, duniduna aanay nooga quusan waa in aan muujinnaa isu turid iyo isu tanaasul dalka iyo dowladnimadana wax u hambaynaa”, ayuu hadalkiisa raaciyay
 
Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ayuu ugu baaqay in la dedejiyaan Doorashada oo mudnaanta la siiyo, si dalka looga saaro xaaladdan cakiran. Beesha Caalamkana ayuu ugu baaqay in ay la garab istaagaan Ra’iisulwasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dhaqaalaha aan looga maarmin hirgelinta doorashooyinka.
 
Arrimaha ka soo Cusboonaaday Galmudug, ayuu ku sheegay kuwo aan la aqbali karin, oo aan la fileyn, ama u danaynaya Galmudugtii wakhtiga iyo tacabka badan lagu bixiyey.
 
“Waxaa nasiib darro ah in markii ay reer Galmudug muddo dheer keddib dareemeen yiddidiilo iyo horay u socod, in maanta ay kooxo hubeysan qabsadaan deegaanno nabad ah oo colaad iyo barakac ay galiyaan bulshada deegaannadaas, lana hor istaago horumarkii socday”, ayu uku yiri khudbad uu maanta jeediyay.
 
“Si aan leexleexad lahayn ayaan u barbar taagannahay nidaamka dowliga ah ee maamul Goboleedka Galmudug, cid kasta oo amniga, horumarka iyo nidaamka Dowliga ah ee Galmudug ka hor timaadana waa in si wadajir ah meel looga soo wada jeesto”, ayuu raaciyay.
 
Dhibaatadii ka dhacdday Laascaanood ayuu wax aad looga xumaado oo aan la fileyn ku tilmaamay isagoo sheegay in ficilladaasi ay Liddi ku yihiin Islaamnimada, dhaqanka Soomaaliyeed iyo kan bani-aadamnimo. Waxuu ku baaqay in wadajir looga hortago falalka noocaan ah ee sii kala fogeynaya bulshada.
 
 Mar uu ka hadlay arrinta dalka jaha wareerisay ee salkaakii nabad sugidda ahaa ee raq iyo ruux la waayay ayuu yiri, “Xilligan kala guurka ah waa in aan ilaalinnna hay’adaha Dowladda ee sii naafoobaya maalin walba si ay mas’uuliyadi ku dheehan tahayna looga shaqeeyo loona ilaaliyo. Waa in aan la siyaasadayn hay’adaha Dowladda si ay u gutaan waajibaadkooda loona madax bannaaneeyaa howlahooda shaqo. Sidaas daraaddeed waxaan mar labaad ku baaqayaa in kiiska Ikraan Tahliil Faarax, loo daayo hay’adaha ku shaqada leh ee garsoorka si ay qoyskeedu u helaan caddaalad ay ku kalsoonaan karaan”.
 
 Ugu dambayntii ,waxuu sheegay in Qarankeennu maanta qaaraanka uu u baahan yahay uu yahay khilaaf la’aan, qorshe loo dhan yahay, qaddarinta waqtiga iyo qabsoomidda doorasho xasilloon, waxuuna ku taliyay in laga dhigto mabda’a xilliga kala guurka ah, si loo badbaadiyo dalka iyo hay’adaha dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleedba.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney Yuhuudi ah oo loo doortay xilka Madaxweynaha dalka..(Sawirro)

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka AFRICOM oo booqday xerada Milateriga Bali doogle (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo ku laabtay Baydhabo Shirna Guddoomiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---