Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalbaday inuu banneeyo xilka guddoomiyaha midawga musharrixiinta oo uu hayay tan iyo markii midawga la’aasaasay sannadkii hore.
Xubnaha midawga ayaa hadda shir arrintaas iyo xaaladaha guud ee dalka looga hadlayo waxay ku leeyihiin hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho. Lama oga inay ka aqbali doonaan dalabkiisa, hase yeeshee waxaa wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuu aad ugu adkeysanayo arrinta.
Ilo ku dhaw midawga musharrixiinta ayaa sheegaya in hadii Sheekh Shariif uu xilka ka tago loo dhiibi doono Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu noqonayo mas’uulka kaliya ee xil madaxweyne soo qabtay ee midawga ku jira marka laga tago Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu si toos ah uga bixi karo midawga oo mowqif kale uu qaadan karo.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta keentay inuu Sheekh Shariif keensado codsiga xil ka tegista, waxaana ilaha ugu xooggan ay sheegayaan inuu xariir xooggan oo siyaasadeed la sameystay madaxweynaha mudda xileedku ka dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo u ballan qaaday hadii uu socon waayo uu isaga ka dhiganayo Qorshihiisa labaad (plan B).
Sheekh Shariif ayaa waayihii dambe lagu xamanayay inuu ku qancay in kooxda Farmaajo ay isaga dookha labaad ka dhigtaan, waxaana arrintani ay soo billaabatay markii uu ka gaabsadday dadaalkii badbaado qaran ee Farmaajo looga hor-joogsaday kororsigii labada sano ee sharci darrada ahaa.
Sheekh Shariif ayaa 2008, waxuu sarriftay xilkii uu ka hayay midawga Maxkamadaha, waxuuna meel cidla ah uga dhaqaaqay saaxiibkii Xasan Daahir Aweys, waxuuna ugu dambeyn fursadaas ku helay xilka madaxtinimada dalka, hase yeeshee dadka siyaasadda taxliiliya ayaa sheegaya in fursaddii maalintaas iyo fursadda uu maanta ku heli karo malxiisnimada ay kala fogyihiin.
https://youtu.be/yHrjYgn_goE