Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo kulan Muhiim al la qaatay Amiirka dalka Qatar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doha ayaa kulan muhiim ah la qaatay Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamim Bin Hamad Al-Thani

Rooble iyo Shiikh Tamim Bin Hamad Al-Thani ayaa kulanka ay yeesheen uga wada hadlay arimo xasaasi ah ay kamid ahaayeen xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka labada dal u dhaxeeya.

Ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in kulanka looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa Khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ayna dowlada Qatar qaadaneyso door dhax dhaxaadin ah.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo qoraal kooban kasoo saaray kulankan dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Amiirka Qatar ayaa ku gaabsaday kaliya in ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Dowlada Qatar ayaa xiriir dhaw la leh Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, lamana oga wali ujeedka dowlada Qatar dalkeeda ugu casuuntay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu hada khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Farmaajo iyo Fahad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada “Dhismayaal Qurux badan oo loo dhisay Hay’addaha maaliyadda dalka

Cabdi Cade

Israel oo xalay duqeyn culus la beegsatay Hashem Safieddine

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Gollaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---