Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo Doha kula kulmay Sheekh Khalid Bin Khalifa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fedetaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qadar Shiikh Khalid Bin Khalifa Al-Thani .

Rooble iyo Raisul Wasaaraha Qatar ayaa kulankooda waxa ay hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo kordhinta mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qadar ay ka fuliso Soomaaliya.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in kulamo kale la qaato Madaxda dowlada Qatar ayna kawada hadlaan arimo badan oo qaarkood warbaahinta loo soo bandhigeen.

Safarka Rooble ku tagay dalka Qatar ayaa kusoo aadaya xili uu Raisul Wasaaraha khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo xiriir aad u dhaw kala dhaxeeyo dowlada Qatar.

Related posts

Iran oo ku eedeysay Mareykanka iyo Israa’iil Qarax ay ku dhinteen dad ku dhaw 100 qof

Cabdi Cade

Guddoomiyihii Degmada Buulaburte oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray Deegaano laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan Dabeylo iyo Daadad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---