Allbanaadir.com
NEWS

Feysal Cali Waraabe oo si adag uga hadlay dadkii laga masaafuriyay Laascaanood

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa dhaliilay habkii loo maray musaafurinta dad badan oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo deganaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wareysi uu bixiyay Feysal Waraabe ayuu ku sheegay in masaafurinta dadkan ay ka dhalatay codsi ka yimid dadka deegaanka Laascaanood uu tilmaamay in ay kusoo bateen falalka amaan daro ayna uga shakiyeen dadka kasoo jeeda Koonfurta.

“Dadkii degganaa magaalada Laascaanood waxay yiraahdeen nabad galyadeenii khatar ayay ku jirtaa waxaan doonaynaa inaan hagaajisanno dadka ajanabiga hanalaga saaro” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dad la masaafuriyo aysan ugu horeyn Somaliland ayna ka dhacdo meelo badan isaga oo tusaale usoo qaatay Sacuudiga, waxa uuna dhaliilay kaliya habka Somaliland u martay masaafurinta dadkii magaaladaasi degnaa.

“Dadkii degganaa deegaankaasi waxay yiraahdeen nabad galyadeenii khatar ayay ku jirtaa waxaan doonaynaa inaan hagaajisanno dadka ajanabiga hanalaga saaro” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Talaabada maamulka Somaliland magaalada Laascaanood uga musaafuriyay dad badan oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa si weyn loo cambaareeyay, waxaana talaabadaasi sidoo kale kasoo horjeestay waxgaradka magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=xg_dO2CdxZM

Related posts

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo Safiir loo magacaabay iyo Wasiirro macsalaameeyay

Cabdi Cade

Maamulka SSC oo qorsheynaya sii deynta Maxabiista Somaliland qaarkood (Sababta)

Caydiid Ali

RW Rooble iyo Danjire Xasan Xamza oo qodobo Muhiim ah ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---