Allbanaadir.com
NEWS

Villa Soomaaliya oo War kasoo saartay Safarka Farmaajo ku tagay Itoobiya (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan munaasabadda caleemasaarka dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka mid ah Madaxda dalalka Afrika iyo Caalamka ee lagu maamuusay ka qeyb galka munaasabaddan, iyada oo la adkeynayo xiriirka miro-dhalka ah ee ku dhisan is ixtiraamka Qarannimo iyo daris wanaagga ee ka dhexeeya Labada dal.
 
Madaxweynaha iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelisa safarkan ayaa kulan doceedyo la qaadan doona wufuudda dhiggooda ah ee ka socda dalalka ka qeyb galaya munaasabaddan, si loo xoojiyo xiriirka kobcaya ee dalkeennu uu la leeyahay caalamka.
 
Safarka waxaa Madaxweynaha ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada JFS Mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Facebook iyo Twitter oo tir tiray Macluumaad khaldan uu Madaxweyne Trump soo dhigay !!

Cabdi Cade

Taliska Booliska Somalia oo ka hadlay dil fool xun oo shalay ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Yaa sababay natiijo la’aanta kulamada lagu dhexdhexaadinayo Farmaajo & Rooble?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---