Allbanaadir.com
NEWS

Kartooniiste u gefay Nabi Maxamed NNKH oo si xun u dhintay (Daawo Sawirro)

Nin kartooniiste ah oo u dhashay dalka Sweden oo sanadkii 2007-dii sameeyay Kartoon uu ugu gefay Nabi Maxamed NNKH muslimiintana si weyn uga caroodeen ayaa shalay ku halaagsamay shil gaari oo ka dhacay Sweden.

Lars Vilks, oo 75 jir ahaa ayaa ku dhax gubtay gaari booliis uu la socday kadib markii gaarigaasi uu ka baxay wadada ku dhacay gaari xamuul ah, waxaana dab qabsaday gaarigii uu la socday ninkan horey ugu gefay Nabi Maxamed NNKH.

Shilkan waxaa sidoo kale ku geeriyooday labo sargaal booliis oo ilaalo u ahaa ninkan kartoonka ka sameeyay Nabi Maxamed NNKH, halka uu shilkan dhaawac kasoo gaaray darawalkii waday gaariga xamuulka.

Kartooniistahan halaagsamay ayaa horey labo mar uga bad baaday weerar muslimiin careesan ku dili rabeen, waxaana dowlada Sweden ninkan siisay ilaalo gaar ah oo ka ilaalisa weerarada uga imaan kara Muslimiinta.

Muslimiin badan ayaana ku farxay dhimashada ninkan u gefay Nabi Maxamed NNKH, waxaana booliiska dalka Sweden sheegeen in la baarayo sida uu u dhacay shilkan uu ku halaagsamay Lars Vilks.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Bashiir oo mar kale la soo taagay Maxkamad iyo dacwado lagu soo oogay

Caydiid Ali

Koonfur Galbeed oo ka hor timid arrin uu ku dhaqaaqay Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dalbaday in Xasaanada laga qaado Labo Xildhibaan oo lagu eedeeyay Qaran dumis

admin
Taboola Ads ---