Allbanaadir.com
NEWS

Labo Senator oo maanta la dooranayo iyo Khilaaf taagnaa doorashadaasi oo xal laga gaaray

Waxaa maanta ilaa caawa lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ka dhacdo doorashada Labada Senator ee ka haray xubnaha Aqalka Sare ku leeyahay maamulka Hirshabelle.

Doorashada labadan kursi ayaana mudooyinkii dambe waxaa ka taagnaa khilaaf aad u xoogan, waxaana kuraastan mid kamid ah ahaa kii rabshada ku dhamaaday xili tirinta codadka lagu guda jiray.

Kursiga kale oo isna ahaa mid Qoondada dumarka ayaa waxaa musharaxiintooda ku jiray rag qaarkood aad ugu dhaw yihiin Madaxweynaha Hirshabelle taa oo abuurtay walaac ah in dumarka looga guuleesto sidaasna qoonadda dumarka meesha uga baxdo.

Wadahadalo maalmo badan socday ayaa ugu dambeyn lagu heshiiyay in lagu laabto doorashada kursigii rabshada ku dhamaaday halka sidoo kale musharaxiintii raga ahaa ee ku qornaa kursiga qoondada dumarka iyana lagu qanciyay in ay tanaasulaan.

Labada kursi ee maanta la dooranayo ayaa waxa aku tartamaya

Kursiga 1-aad (#UH14) waxaa ku tartamaya:

Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir.

Cali Shacbaan Ibraahim.

Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga 2aad (UH#08) waxaa ku tartamaya labo dumar oo keliya:

Naciimo Ibraahim Yuusuf.

ZamZam Cabdullaahi Axmed.

Kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka ayaa waxaa ka haray kaliya ilaa 8-senator oo labo kamid ah maanta la dooranayo halka lixda kalana yihiin afar ku harsan Jubbaland iyo labo ku harsan Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la tashi la yeeshay dad baahiyo gaar ah qaba (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi “Safarka Farmaajo ee Kenya wuxuu u egyahay mid uu ugu hoyanayo Uhuru Kenyatta”

Caydiid Ali

Nin loo waday in la soo aaso oo daqiiqadihii ugu dambeeyey soo kacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---