Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo saacadaha soo socda u ambabaxaya safar dibeda ah

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo Isniin ah ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada.

Farmaajo ayaa lagu casuumay xaflada caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Sidoo kale, waxaa ka qeyb galaya caleemo saarka Madax kale oo ka tirsan qaarada Afrika.

Socdaalka Farmaajo ee Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horreeyay oo dal dibadda ah ugu ambabaxo muddo shan bilood ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo iska soo horjeeda oo Dhuusamareeb ka dhacay iyo Dowladda Ruushka oo..

admin

Xiliga uu furmayo kalfadhiga labaad ee Baarlamanka Somalia oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

Xabad joojin ka dhaqan gashay Sudan iyo xaalada Khartuum oo xasiloon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---