Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Turkiga oo ka carooday heshiis dhexmaray dowladaha France iyo Giriiga (Sababta)

Dowlada Turkey ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis Milateri oo balaayin dollar ah oo ay kala saxiixdeen dalalka France iyo Greece, iyadoo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka.

France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex Maraakiib dagaal. Hase yeeshee, Turkey oo xiriir aan wanaagsaneyn la leh dalka ay ka wada tirsan yihiin NATO ee Greece, ayaa cambaareysay heshiiska kuna qeexday mid ka dhan ah Ankara.

“Hubeynta Greece iyo go’doominta iyo fogeynta Turkey, intii iskaashi lala sameyn lahaa, waa siyaasad dhibaato leh oo dhaawici doonta Greece iyo Midowga Yurub, islamarkaana halis gelin doonta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Macron ayaa Talaadadii sheegay in iibinta maraakiibta aan loola jeedin in loo arko halis ka dhan Ankara, isaga oo ugu yeeray mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Meditareeniyaanka, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans-ka.

France iyo Greece ayaa sanadihii dhowaa yeeshay xiriir aad u dhow, halka xiriirka mid walba uu la leeyhaya Turkey uu aad u xumaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo ku hanjabay in Dekad ay isticmaalaan xoog ku raadsanayaan haddii ay…

Cabdi Cade

Ruushka oo Diyaarado dagaal iyo Ciidamo geeyay Venezuela (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Kenya oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali