Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Qatar oo markii ugu horeysay dhaliil culus u jeedisay Maamulka Taliban

Dowlada Qadar ayaa niyad xumo ka muujisay hannaanka Taliban wax u wado kaddib markii ay la wareegeen Afghanistan. waxayna sheegtay in go’aanka kooxda ee gabdhaha uu ahaa mid aad niyad jab u leh.

Qadar ayaa door muhiim ah ka cayaartay in wada hadal lala bilaabo Taliban kaasoo horseeday in ciidamada Maraykanka iyo NATO ay ugu dambeyn ka baxaan dalka Afghanistan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in kooxda ay ku qasban tahay inay eegto sida shareecada Islaamka uga howlgasho Qadar.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay shalay caasimadda Doxa iskula qabteen madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Joseph Borrell.

Kaddib markii ay xilka qabteen, Taaliban ma aysan oggolaan in la furo dugsiyada sare ee gabdhaha Afghanistan.

“Go’aannadii dhowaan ee Afghanistan waa kuwo nasiib darro ah. Tani waa arrin niyad jab weyn leh oo dib u dhac ah.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar.

“Waxaan sidoo kale u baahannahay inaan u sheegno si ay Taliban u fahmaan sida dalalka Muslimiinta ah ay ugu dhaqmaan shuruucdooda u gaarka ah iyo sida ay ula tacaalaan arrimaha haweenka” ayuu intaas ku daray Wasiirka

Tan iyo markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Afghanistan bishii la soo dhaafay iyo wixii ka horreeyayba, Qadar door gaar ah ayay ku lahayd dalkaas. Qadar waxay garoonka Kaabul ka daad-gureysay muwaaddiniin ajaanib ah iyo kuwo Afghanistan u dhashay tan iyo imaanshihii Taaliban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

TOOS U DAAWO: Soo dhoweynta Raisul Wasaare Khayre ee ka socota Kismaayo

Caydiid Ali

R/W Rooble oo Wasiir katirsan Xukuumadiisa u xil saaray dardar gelinta doorashooyinka

Cabdi Cade

Qofkii ugu Da’da weynaa Caalamka oo geeriyootay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---