Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Cawil Axmed Jabuuti oo xilka laga qaaday iyo Masuul cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee 2da October 2021, kuna saabsan isbedel lagu sameeyey maamulka Gobolka Nugaal.

Deni ayaa xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti oo mudooyinkan safar ugu maqnaa dalka Maraykanka oo markiisii horeba uu ka yimid.

Sidoo kale, Deni ayaa Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) u magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cawil Mataan ayaa ah ganacsade saaxadda siyaasadda ku cusub oo inta badan dibed joog ah.

Isbedelka lagu sameeyey Maamulka Gobolka Nugaal ayaa yimid, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Garowe ka dhacayeen falal amni daro.

Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal.
Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan) Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Cali Guudlaawe oo furay Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka Hirshabelle

Caydiid Ali

Wiilal iyo Gabdho wax bartay oo kamid noqday Booliiska Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka oo Iscasishay iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---