Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Ahlu Sunna oo la wareegtay Deegaan ku dhaw magaalada Dhuusomareeb

Ciidamo daacad u ah kooxda Ahlu Sunna ayaa maanta dagaal la’aan kula wareegay deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Deegaanka Ceeldheere waxaa isaga baxay ciidanka dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug oo horey ugu sugnaa, waxaana hada deegaanka lasoo warinayaa in gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu Sunna.

Ciidamada Ahlu Sunna ee la wareegay deegaanka Ceeldheere ayaa halkaasi ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana la sheegay in ciidankan wataan gaadiid dagaal oo aad badan iyo ciidamo deegaano kala duwan ka yimid.

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin la wareegida Ahlu Sunna ee magaalada Guriceel iyo  deegaanka Ceeldheere, waxaana hada ka socda Dhuusomareeb dhaq dhaqaaqyo ay wadaan ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Banaadir oo xilka si rasmi ah ula wareegay ( Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Senatarkii ugu horeeyay ee kamid noqonaya Aqalka sare oo goordhaw la doortay

Cabdi Cade

Dagaal lagu dilay 60 xubnood oo ka dhacay Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---