Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Musharax Madaxweyne oo soo dhaweeyay Qoraal kasoo baxay kooxda Ahlu Sunna

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay Qoraal kasoo baxay Hogaanka Ahlu Sunna ee gobolada Dhaxe kuna sheegayeen in aysan dagaal dooneyn.

Qoraal uu soo saaray Musharax Guuleed ayuu ku sheegay in uu soo dhaweenayo warka Ahlu Sunna ee ah in aysan wadin guluf colaadeed ayna doonayaan nabad kuwada noolaansho.

”Waa soo dhaweynayaa warsaxaafadeedka ka soo baxay culumada Ahlu Sunna ee tibaaxaya inay nabad doonayaan, guluf colaadeedna aysan wadin, cadowna u yaqaanaan nabaddiidka Al-Shabaab, diyaar u yihiin wadahadal iyo wadaxaajood.” ayuu yiri Musharax Guuleed.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay in ay tixgaliyaan baaqa Ahlu Sunna ayna la furaan wadahadal nabadeed si looga baaqsado dagaal iyo dhiig kale oo daato.

”Waxaan maamulka Galmudug u soo jeedinayaa inuu baaqaas nabadeed tixgaliyo, wadahadalna la furo dhinaca kale, si looga baaqsado dagaalo kale oo hor leh oo dhiig kale ku daato, Galmudug uma baahna colaad iyo dagaalo dhantaala nabaddeeda, wiiqdana hey,adaheeda curdunka ah. Arimahaas oo hubaal ah inay fursad weyn siinaya cadowga guud ee Al-Shabaab.” ayuu yiri Guuleed.

Warkan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Galmudug hadana ah Musharax Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili galabta Ahlu Sunna dagaal la’aan kula wareegtay magaalada Guriceel.

Related posts

Dibed baxyo rabshado oo ka socda qeybo ka mid ah Nairobi (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal Khasaare geestay oo saakay ka dhacay Gaalkacyo iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo Ciidamo iyo gawaari dagaal geenaya magaalada …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---