Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor iyo xubno la socda oo goordhaw gaaray Dhuusomareeb xili…

Waxaa goordhaw magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug dib ugu laabtay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo senataro katirsan Aqalka Sare .

Madaxweyne Qoor Qoor oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta safar deg deg ah ugu ambo baxay magaalada Dhuusomareeb kadib markii Ahlu Sunna galabta la wareegeen magaalada Guriceel.

Sida aan wararka ku helnay Qoor Qoor iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagay sidii xal loogu heli lahaa xiisada soo cusboonaatay iyo abaabulka Ahlu Sunna mar kale ku dooneyso in Dhuusomareeb iyo deegaano kale ku qabsato.

Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna ayaa galabta dagaal la’aan la wareegay magaalada Guriceel, waxaana Ahlu Sunna saraakiil katirsan ku hanjabeen in ay dib ula wareegi doonaan deegaanadii horey gacantooda ugu jirtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaaf soo kala dhax galay Wasiirka Cadaaladda & Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa

Cabdi Cade

Dowlad Muslim ah oo dayuurad gargaar sida u dirtay dalka Maraykanka

Caydiid Ali

Ciidanka Booliska Somalia oo caawa gacanta ku soo dhigay gacan ku dhiigle..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---