Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidamada Ahlu Sunna oo soo bandhigay Gaadiid Dagaal iyo hub ay qabsadeen (Sawirro)

Ciidamada Daacada u ah kooxda Ahlu Sunna ayaa soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub kala duwan ay ku qabsadeen dagaal xoogan oo shalay ka dhacay deegaanka Bohol oo kuyaala duleedka magaalada Dhuusomareeb.

Ahlu Sunna ayaa soo bandhigtay gaari gaashaaman ay lahaayeen ciidanka milatariga Soomnaaliya iyo gaadiid kale uu ku jiro Cabdi Bille, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen hub kala duwan oo kuwa gacmaha iyo garbaha lagu qaato ah.

Saraakjiil katirsan Ahlu Sunna ayaa sheegay in gaadiidkan dagaal iyo hubka ku qabsadeen dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Bohol, waxa ayna guulo ka sheegteen dagaalkii ay la galeen ciidanka dowlada iyo kuwa Galmudug oo is garabsanayay.

Kooxda Ahlu Sunna oo mudooyinkii dambe abaabul dagaal ka waday deegaano katirsan gobolka Galgaduud ayaa markan lasoo baxday awood badan, waxa ayna galabta si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Guriceel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masaajid kuyaalla magaalada Dhuusomareeb oo la gubay iyo baaritaano socda (Sawirro)

Cabdi Cade

Iska horimaad ka dhacay Muqdisho iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali

Weerar xooggan oo lagu qaaday burcad-badeedii ee afduubatay Markabka MV Ruen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---