Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Sidee loogu soo baxay doorashadii ka dhacday dowlad degaanka Soomaalida?

Shacabka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta si weyn ugu soo baxay doorashadii xubnaha golaha wakiilada baarlamanka Itoobiya.

Magaalooyinka, degmooyinka illaa tuulooyinka ayaa waxaa lagu arkayey dad fara badan oo safaf dhaadheer ugu jira sidii ay codkooda u dhiiban lahaayeen, kuwaasoo iskugu jiray rag iyo dumar.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa ka codoyeeyay goob-doorashada xaafadda 4aad ee Maamulka Magaalada Dhagax-buur oo uu ka sharraxan yahay.

“Marka laga tago xisbiyo adag oo nala tartamaya oo aan jirin haddana doorashadani waa mid buuxisay guud ahaanba shuruudihii looga baahnaa oo bulshadu si xor iyo xalaal ah u dhiibanayaan codkooda” ayuu yiri Mustafe Muxummed Cumar.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hadda kahor aan bulshada lagala tashan jirin cidda matalaysa, doorashooyinkii horena ay ka dhici jireen xeryaha ciidammada, balse ay jiraan ifafaallooyin wanaagsan oo dib awoodda codka loogu celinayo shacabka.

Ugu dambayn, waxa uu madaxweynuhu ugu baaqay shacabka inay codkooda siiyaan murashixiinta ay isleeyihiin way matali karaan bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxa ka soo baxay kulan Madaxweyne Farmaajo la qaatay Wufuud ka socotay Midowga Afrika & QM? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xiliga la furayo jidka Muqdisho & Afgooye oo la shaaciyey iyo Villa Somalia oo ceeb dhex taagan

Caydiid Ali

(Sawirro) War-Murtiyeed ka soo baxay shirkii Madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---