Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dagaal dhax maray Ciidamada Galmudug iyo Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Galmudug iyo ciidamo daacad u ah kooxda Ahlu Sunna uu ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan kuwa Galmudug oo isugu jiray Milatari iyo Nabad Sugida gaareen deegaanka Bohol oo qiyaastii 20-km u jira magaalada Dhuusomareeb halkaas ay fariisin ka dhigteen ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay dagaal kooban  ayaa labada ciidan ku dhax maray deegaanka Bohol ee duleedka magaalada Dhuusomareeb, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo dagaalkan kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay.

Ciidamo daacad u ah Ahlu Sunna ay hogaaminayaan Hogaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka waday deegaano katirsan gobolka Galgaduud.

Maamulka Galmudug ayaa horey u shaaciyay in ay iska difaacayaan cid kasta oo duulaan kusoo qaada, waxaana wali la dareemayaa xiisada dagaal ee u dhaxeysa ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug ee taageerada ka helaya kuwa dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abuu Mansuur oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

admin

Xukun dil ah oo lagu riday rag dil iyo Afduub geestay

Cabdi Cade

Ciidamada Isreal oo ragga xoog uga saaraya Isbitaalka Al Shifa iyo xaalada oo cakiran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---