Allbanaadir.com
NEWS

Doorashadii Kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi oo lasoo gabagabeeyay (Yaa la doortay)

Waxaa goordhaw teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo shalay soo bilaabatay, waxaana dhamaan la doortay 11-kursi ee Aqalka sare ku leeyihiin gobolada Waqooyi.

Maanta waxaa ergada laga soo xulay gobolada Waqooyi doorteen shan kursi halka shalayna ay doorteen lix kursi, waxaana sidaas kusoo gaba gaboobay doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi.

Doorashada maanta ka dhacday teendhada Afisiyooni oo inta badan la isku tanaasulay ayaa waxaa kusoo baxay sadex rag ah iyo labo dumar ah, waxaana xubnaha dib loo doortay ku jira senataro horey uga tirsanaa Aqalka Sare.

Xubnaha maanta la doortay ayaa kala ahaa 

1-Saciid Cabdi Xasan

2-Naciima Xasan Xaaji Maxamuud

3-Abwaan Axmed Ibraahim (Qorane)

4-Deeqo Xassan Xuseen

5-Cabdirisaaq Ahmed Cali

Shalayna waxaa la doortay lixdan Senator

  1. Sen. Cabdi Xaashi Cabdullahi
  2. Sen. Saalax Axmed Jaamac
  3. Sen. Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar
  4. Sen. Cismaan Obokar Dubbe
  5. Sen. Leyla Axmed Ismaaciil
  6. Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bam caawa lagu weeraray Mid ka mid ah Saldhigyada Booliska Muqdisho

Caydiid Ali

Puntland oo war ka soo saartay sababtii Guddoomiye Sacdiya loogu diiday Garowe

Caydiid Ali

Jubaland oo gacanta ku dhigtay shabakad dad ka tahriibinaysay Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---