Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Gudoonka Baarlamaanka ugu baaqay in ay ka aamusaan Tacadiya AMISOM

Ciidamada AMISOM ee ilaaliya garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa shalay ku xayiray garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xili ay ka dhoofi rabeen Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee golaha Shacabka.

Masuuliyiintan lagu xayiray garoonka Aadan  Cadde ayaa si kulul uga hadlay tacadiyada Ciidamada AMISOM kula dhaqaaqeen ,waxa ayna sheegeen in AMISOM ay xadgudub ku sameesay .

Arinan waxaa si adag uga hadlay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo katirsan Golaha Shacabka, waxa uuna Masuuliyiintan la xanibay ku eedeeyay in horey uga aamuseen tacadiyo badan ay AMISOM shacabka u geesteen.

Xildhibaanka ayaa kula taliyay Gudoonka Baarlamaanka labada Aqal in ay isaga aamusaan arintan lagula kacay maadaama horey uga aamuseen tacadiyada shacabka AMISOM u geesteen qaarkoodna uuba sheegay in AMISOM difaaceen.

Halkan ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Xildhibaan Mahad Salaad

Gudoonka Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) maanta in ay ka hadlaan tacadiyada Amisom ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen, sababtoo ah:

1. Shalay markii baabuurta Amisom dadka shacabka ah ku dardarayeen dariiqyada magaalada Mogadishu ee aan laga hadleyn mararka qaarna iyaga qaarkood cudurdaarka u sameynayeen tacadiyadooda Amisom ma saxneyd?!

2. Shalay markii ciidamada Amisom ay ku laynayeen KM4 ciidamada Nabad Sugida Soomaaliya (NISA) ee cid ka hadasha iska dhaafe xitaa cid usoo tacsiyeyday aysan jirin Amisom ma saxneyd?!

3. Shalay markii Xildhibaanadii u doortay iyaga gudoon in ay u noqdaan inta baabuurta laga dajiyo iyaga iyo baabuurtoodaba eeyada lagu baarayay Amisom ma saxneyd?!

Maanta in ay ka hadlaan wadada ayaa naloo diiday iyo askartii ayaa nalaga reebay ceeb ayay ku tahay ee ha iska aamuseen. Sababtoo ah iyaga ayaa shalay ka gaabiyay in ay sharciyada ilaaliyaan. Amisom na lala xisaabtamo!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho tartan adag loo galay oo caawa ka dhacday Gaalkacyo (Yaa ku guuleystay)

Caydiid Ali

(Sawirro) Nin ku hubeysnaa Qaanso & Leeb oo dad badan ku laayey dalka Norwey

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo xiray nin Dumar isku ekeysiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---