Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali boqolaal kun gaaraya oo beri u dareeraya doorasho qof iyo cod ah

Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa looga dareeri doonaa beri doorashadii lixaad ee dib u dhacday ee inta badan dalkaasi ka qabsoontay 21-kii bishii Juun ee sanadkan.

Goob doorashooyin gaaraya 4057 ayay codkooda ka dhiiban doonaan dadka isku diwaan galiyay inay doorashada ka codeeyaan oo tiradoodu uu guddiga doorashooyinka qaran ay ku sheegeen in ay gaarayaan shan milyan oo qof.

Doorashadan oo ay qaadaceen axsaabtii mucaaradka ahayd badankood, ayaa waxaa hadda loolan isku wajahaya xisbiga talada haya ee Barwaaqo, xisbiga dimoqraaddiga ee Soomaali galbeed iyo murashaxiin madax bannaan.

Waxaana doorashadan lagu soo dooranayaa 273 xildhibaan oo ah baarlamaanka deegaanka iyo 22 ka mid ah 23-ka xildhibaanada ee Soomaalida ku metali doonta golaha wakiilada shacabka oo ah aqalka baarlamaanka ee dalkaasi Itoobiya, waxayna  codbixinta socon doontaa laga bilaabo 6:00am ilaa iyo 6:00pm maqribnimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo loo heysto kiis kale oo kufsi ah uu u geestay Gabar Wariye ah

Cabdi Cade

Sargaal Booliis oo lagu dilay Muqdisho iyo Ninkii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade

Gudoomiyihii gobolka Sh/dhexe oo xilka laga qaaday & mid kale oo la Magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---