Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ganacsato dhaqaale ugu deeqday dayactirka Safaaradda Somalia ee Kambala (Sawirro)

Midowga ganacstada Soomaaliyeed ee qalabka dhismaha ee dalalka Uganda iyo K/Suudaan ayaa maanta deeq lacageed oo ay kaga qeyb-qaadanayaan dhismaha isxilqaanka ah Safaradda Soomaaliya ee Dalka Uganda ka socda  ku wareejiyay madaxda Safaradda, deeqdaas lacageed oo gaareysay 10,000 oo dollarka Maraykanka ah.

Xaffad kooban oo deeqda lacageed ay ku wareejinayeen ganacsatada ayaa ka dhacday Magaalada Kampala waxaana goob joog ka ahaa Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur)  iyo lataliyaha 2-aad ee Safaradda mudane Cali Khadar.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Ambasador Cali Cagabaruur  oo hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa kaga mahadceliyay ganacsatada deeqda lacageed oo ay soo gaarsiiyeen Safaradda taasoo wax badan ka tari doonta dib u dhiska Safaaradda oo maraya meel muhiim ah.

Safiirka ayaa sheegay in cid walba oo gacan ka geysatay isxilqaanka ka socda safaaradda ee lagu dayactirayo inuu meel fagaare ah ka sheegi doono abaalka ay u galeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, ayna xafladda daahfurka dayactirka ay dhammaan soo bandhigi doonaan dadkii ka qayb qaatay dib u dhiska safaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa maamulaya magaalada Buulamareer kaddib Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen ?

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo si adag uga hadlay Dagaalka dhacay Muqdisho iyo sida ay u arkaan

Cabdi Cade

Taliyaha Boliska DF oo kulan deg deg ah iskugu yeeray saraakiisha laamaha amniga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---