Allbanaadir.com
NEWS

AMISOM oo diiday in ay ka qeyb gasho Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo ka bilaabanaya…

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada AMISOM ka biyo diideen in ay ka qeyb galaan howlgalo ay bilaabayaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Magalaada Kismaayo iyo Duleedkeeda waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday abaabul iyo dhaq dhaqaaqyo ay wadeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya, waxa ayna ciidankaasi la wareegeen deegaano Shabaab horey u heesteen.

Taliye kuxigeenka Hoggaanka ciidanka daraawiishta Jubbaland Salmaan Axmed Bashiir ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milatariga Soomaaliya u diyaar garoobeen howlgalo Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka maamulaan Jubbaland.

Waxa uu Sheegay Salmaan in Howlgalada bilaabanaya aysan qeyb ka aheyn ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubbaland, waxa uuna xusay in aysan garaneyn sababta AMISOM aysan howlgalkan qeybta uga aheyn.

Madaxtooyada Kismaayo waxaa dhawaan ka dhacay shir deg deg ahaa oo looga hadlayay amaanka Jubbaland iyo Howlgalada bilaabanaya, waxaana shirkaasi lagu go’aamiyay in ciidamada Milatariga Soomaalia iyo kuwa Jubbaland si deg deg ah howlgalo u bilaabaan.

Al Shabaab ayaa maamusha deegaano badan oo katirsan maamulka Jubbaland, waxa ayna Shabaab si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Jubada Dhaxe halka sidoo kale maamulaan deegaano badan oo katirsan Jubadda Hoose iyo Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Mucaaradka diidan Laftagareen oo aqbalay codsi kaga yimid Aadan Madoobe

Caydiid Ali

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya oo qaaday talaabo aad loola yaabay !!

Cabdi Cade

Gudoomiye Cabdi Xaashi oo qaadacay doorashada gudoonka Guddiga Somaliand

Caydiid Ali
Taboola Ads ---