Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Waxaa goordhaw teendhada Afisiyooni ee ku dhax taala garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde lagu doortay Senatarkii afaraad oo kamid noqonaya Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa noqday senatarkii afaraad ay doortaan ergada kasoo jeeda Somaliland, kadib markii doorasho adag uu la galay musharaxii la tartamayay.

Cusmaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu helay 28 Cod halka musharixii la tartamayay ee Cabdikariim Maxamed Xasan uu isna helay 17 Cod, waxaana halaabay Hal Cod.

Ergada laga soo xulay gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta doortay afar Senator waxaana la filayaa labada harsan isla manata doortaan, doorashadan ayaana ah mid xamaasad gara ah leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dzm1-kN9Jxw

Related posts

Villa Soomaaliya oo Faah faahisay wadahadalka dhaxmaraya madaxweyne Xasan iyo Muuse Biixi

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo dalab muhiim ah hor dhigay Wakiilada Beesha Caalamka

Cabdi Cade

Hormuud Telecom oo soo bandhigtey ardaydii ku guuleysatay imtixaan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---