Allbanaadir.com
NEWS

Aqoonyahan Caan ah oo loo doortay Senator kadib doorasho adag oo dhacday

Waxaa teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka socota doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana doorashada socota qaarkood tahay mid xamaasad leh .

Musharax Prof. Cabdi Ismaacil Samatar ayaa ku guuleestay doorasho adag oo gaartay labo wareeg, waxa uuna ka guuleestay labo musharax oo kursigan kula tartamayay oo kala ahaa Prof. Maxamed Maxamuud Allabari iyo Cabdiraxmaan Cismaan Cali.

Guddiga doorashada ayaana shaaciyay in kursigan loo tartmayay uu ku guuleestay Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo helay codad gaaraya 25-cod halka musharaxa wareegii ugu dambeeyay la tartamayay Prof. Maxamed Maxamuud Allabari uu helay 21-cod.

Doorashada Senatarada Aqalka Sare kumatalaya gobolada Waqooyi ayaa ka adag doorashooyinkii kale ee ka dhacay maamul goboleedyada qaar, waxaana doorashadan musharaxiinta qaar dhax maraya loolan adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dzm1-kN9Jxw

Related posts

Qoorqoor oo dalab xasaasi ah hor dhigay Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe iyo Wafdiga la socda oo diiday in galaan Hoolka uu ka furmay Shirka Brussels

Cabdi Cade

Dil dad badan ka naxeen oo xalay ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---