Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay meel ku dhaw garaashka Xaaji Baasto ee Degmada Hodan, waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku heleyno qaraxa ayaa hoosta looga soo xiray gaari yar oo nuuca raaxada ah , waxaana gaariga uu qarxay xili uu marayay meel ku dhaw Garaashka Xaaji Baasto gaar ahaan wadada aada Warta Siigaale.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay wadihii gaariga oo ahaa nin dhalinyaro ah, waxaana dad goobta gaaray sheegeen in Darawalka la doonayay in qaraxaasi lagu dilo uu soo gaaray dhaawac fudud.

Ciidamo katirsan Xasilinta ayaa durba gaaray halka uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan qaraxan gaariga lagu soo xiray iyo cida ka dambeysay.

Magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca qaraxyada nuuca gaadiidka hoosta looga xiro, waxaana qaraxyadaasi inta badan dhimasho ama dhaawac culus uu kasoo gaaraa darawalka gaariga wada .

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caro xoogan oo ka dhalatay Jirdil booliiska Kenya u geesteen Arday Jaamacadeed

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashiga dhinaca Amniga

Cabdi Cade

Ciidankii Xaaf oo laga saaray garoonka Dhuusamareeb & Wasiir Sabriye oo ka degay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---