Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada Xubanaha Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana maanta la dooranayaa ilaa lix Senator.

Kursigii ugu horeeyay waxaa ku tartamayay labo musharax oo kala ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Musharax Siciid Cumar Xuseen.

Xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Gobolada Waqooyi waxaa u codeenaya ilaa 44-ergo oo laga soo xulay gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxa ayna ergadan dooranayaan 11-ka senator ee Aqalka Sare ku leeyihiin gobolada Waqooyi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay in uu kamid noqdo Senatarada Aqalka Sare kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay, waxaana qaab gacan taag ugu codeeyay 44-ergo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in goordhaw la doorto Senataro kale oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana doorashadan kuraasta qaar ka jira tartan adag halka musharaxiinta qaarna ay wataan malxiisiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dzm1-kN9Jxw

Related posts

Ra’iisul Wasaare Rooble & wafdi uu horkacayo oo ku wajahan dalka Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

Mashruuc cusub oo laga hirgalinayo deegaannada Puntland

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo la tashi la yeeshay dad baahiyo gaar ah qaba (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---