Allbanaadir.com
NEWS

Suldaan Caan ah oo Dhaawac u geestay Xildhibaan katirsan Golaha Wakiilada Somaliland

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Mid kamid ah salaadiinta deegaanada Somaliland uu dhaawac gaarsiiyay Xildhibaan katirsan golaha Wakiilada Somaliland.

Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan ayaa la sheegay in dhaawac daqar ah gaarsiiyay Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee maamulkaasi, waxaana dhaawaca Xildhibaanka loo qaaday xarun caafimaad oo lagu daweeyay.

Sida aan wararka ku helnay Suldaanka iyo Xildhibaan Guruuje ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay u dhaxeeyay khilaaf, waxaana labada nin marar kala duwan hawada isku mariyeen eedeymo taas oo keenay in gacanta isula tagaan.

Maamulka Somaliland ayaan wali ka hadlin dhacdadan nabadoonka ku dhaawacay Xildhibaankan katirsan golaha Wakiilada Somaliland, waxa ayna dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay magaalada Hargeysa iyo baraha bulshada oo aad looga hadal hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dzm1-kN9Jxw

Related posts

Miinooyin lagu aasay degaano ka tirsan Sh/hoose oo la soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nabad sugida Jubbaland oo fashilisey qarax lagu aasayey duleedka Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Al Bashiir oo si adag uga hor yimid Baaqyo loo jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---