Cunug yar oo mucjiso ah ayaa ku dhashay Isbitaal ku yaalla caasimada dalka Yemen ee Sanca, cunugan ayaana markii dambe u geeriyooday xaalad caafimaad daro oo lasoo daristay .
Warbaahinta dalka Yemen ayaa ku warantay in cunugan ku dhashay Isbitaalka Falastiin uu ahaa mid mucjiso ah oo lahaa 2 Madax, 3 Gacmood, 3 Lugood, 2 Lafdhabar oo aad isugu dhowaa iyo Hal Calool.
Cunugan yar ayaa saqiiray xili la qorsheenayay in loo qaado Dibedda, si ay Dhakhaatiirta iyo Isbitaallada Takhasusiga ugu sameeyeen Daryeel Caafimaad iyo Baxnaano horseedi karta Qaliin lagu jari karo xubnaha kale ee dheeraad ku ah.
Muuqaalo iyo sawirro laga qaaday cunugan yar ee qaabka mucjisada ku dhashay ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, waalidiinta cunugan yar ayaana sheegay in ay u aheyd markii ugu horeesay ay arkan cunug sidaan oo kale ah.
Wadamo badan oo caalamka waxaa horey ugu dhashay ilmo isku dhegan iyo sidoo kale kuwa leh xubno dheeraad ah, qaarkood ayaana lagu guuleestay in qaliino lagu kala saaro halka kuwa kalana ay u dhinteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com