Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dagaal Khasaaro geestay oo Khartuum ku dhax maray Sirdoonka Sudan iyo Dacish

Magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Sirdoonka dalkaasi iyo dagaalyahano katirsan kooxda Khilaafada Islaamka ee loo yaqaan Daacish.

Qoraal kasoo baxay Sirdoonka dalka Sudan ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxda Daacish dagaal kala horyimaadeen ciidamada Sirdoonka xili ay wadeen howlgal ka dhan ah, waxaana labada dhinac iska hor imaad ku dhax maray Degmadda Jabarat.

Sirdoonka dalka Sudan ayaa sheegay in dagaalka ay la galeen kooxda Daacish looga dilay shan sargaal oo katirsan Sirdoonka Sudan sidoo kale labo looga dhaawacay, waxa ayna dhankooda sheegeen in khasaaro gaarsiiyeen kooxda Daacish.

Qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Sudan ayaa sidoo kale lagu shaaciyay inay Ciiddanka gacanta ku dhigeen 11 Dagaalamayaal Shisheeye ah oo ka tirsan Kooxda Daacish, halka ay 4 kalena baxsadeen, laguna raad joogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Guddiga Wadaagga ah ee Somalia iyo Itoobiya oo kulankoodii ugu horreeyay yeeshay

Cabdi Cade

Itoobiya oo Shaaca ka qaaday in Biyaha Wabiga Niil sidii ay doonaan u isticmaalayaan

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo Daah-furay Hiigsi Qaran oo ka kooban saddex qeybood (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---