Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax xoogan oo ka dhacay dhisme Apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasoo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa.
Ugu yaraan 20 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhaawacmeen iyadoo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.
Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.
Afar qof oo ka mid ah oo saddex ay yihiin haween da’ ah, iyo nin da’diisu tahay kontameeyo ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.
Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.
Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.
“Waxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,” ayuu yiri Fuxborg.
Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhismaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com