Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa shuruud ku xiray in dowladiisa wada shaqeyn dhaw la yeelato maamulka Taalibaan ee xooga kula wareegay talada dalka Afganistaan.
Recep Tayyib Erdogan, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in maamulkiisa kaliya la shaqeyn doono kooxda Taalibaan marka ay helaan aqoonsi caalami ah inta ka horeysana aysan la shaqeyn doonin.
“Haddii beesha caalamku ay aqbasho ayna aqoonsadaan maamulka Taalibaan , markaa waan la shaqayn karnaa haddii kale ma awoodno la shaqeyntoodo,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
Dowlada Turkiga ayaa lagu tirinayay dowladaha sida weyn ugu dhaw maamulka Taalibaan, waxaana Turkiga horey gacan uga geestay ugana taageeray kooxda Taalibaan dib u howlgelinta Maamulka Garoonka Kabul.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com