Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Mareykanka oo Tijaabiyay Gantaal Casri ah oo Xawaarihiisu Codka ka dheereeyo

Dowlada Mareykanka ayaa horumarin balaaran kuwada gantaalaha xawaarahoodu aadka u dheereeyo, waxa ayna tartan adag kula jirtaa dowladaha Shiinaha iyo Ruushka oo dhankooda sameestay gantaalo casri ah oo xambaari kara hubka nukliyeerka.

Wasaarada Difaaca Mareykanka Pentagon ayaa shaaca ka qaaday in maalmo kahor ay ku guuleesatay tijaabinta gantaal casri ah oo xawaarihiisu shan jeer ka sareeyo midka codka caadiga ah.

Tijaabadan dowlada Mareykanka ku sameesay gantaalkan casriga ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee guuleesta tan iyo sanadkii  2013-kii, waxaana gantaalkan laga sii daayay diyaarad ilbiriqsiyo uun ka hor inta uusan matoorkeedu bilaaban.

Hubka xawaarihiisa sarreeya ayaa in ka badan shan jeer waxa uu ka xawaare sarreeyaa dhawaaqa, haddii aan si kale u dhigno waxa uu saacaddii jarayaa xaawaare gaaraya 6,200 oo kilomitir saacaddiiba.

Tijaabadan Mareykanka ku sameeyay gantaalkan casriga ah ayaa kusoo aadaya xili Shiinaha iyo Ruushka iyanguna sameesteen gantaalo aad u sareeyo xawaarahooda, waxaana quwadaha waa weyn u muuqdaan kuwa hubkooda sii hormarinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/ptNXgLsgioE

Related posts

Video:-Ninkii ugu horeeyay ee ogaaday dhibaatada cusbadu u leedahay Jirka Bani’aadamka

admin

Jadwalka Doorashada Lix kursi oo katirsan gollaha shacabka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Dhegeysiga dacwadii loo heystay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo la soo gebagebeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---