Allbanaadir.com
NEWS

Xukun lagu riday askari dhowaan Kismaayo ku dilay xaaskiisa oo uur laheyd (Daawo Sawirro)

Cabdullaahi Asad oo horey ugu eedeysnaa in uu Xaaskiisa Dilay ayeey maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ku xukuntay maanta Xukun Dil Toogasho ah.

Goobta xukunka ka dhacay waxaa Joogay qaar kamid ah ehelada gabadha geeriyootay.

Cabdullaahi Asad wuxuu katirsanaa Ciidamada Daraawiishta gaar ahaan Xafiiska bixinta Mushaaradka Ciidamada.

Bartamahii bisha April ayuu xaaskiisa ku dilay Magaalada Kismaayo iyadoo mudadaas dhowr jeer la keenay Maxkamada isla markana maanta ugu danbayn xukun dil ah lagu riday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle oo la Magacaabay (Magacyada)!

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas kana bilaabaya abaabul Dagaal

Cabdi Cade

Odayaasha iyo Bulshada soo xuleysa Ergada kuraasta Hop263 iyo HOP241 oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---