Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye ka tirsan Booliska Somaliland oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Sool

Taliyihii Booliska degmada Xudun ee gobolka Sool Cismaan Maxamuud Saalax ayaa ku geeriyooday iska horimaad dhexmaray booliska gobolka Sool iyo kooxo soo weeraray saldhigga booliska degamadaas.

Geerida taliyaha ayaa waxaa xaqiijiyey duqa degmada Xudun ee gobolka Sool Maxamed Jaamac Xirsi, isagoo sheegay in taliyaha uu ku baxay iska horimaad u dhaxeeyay ciidamada iyo kooxo soo weeraray saldhiga booliska Xudun.

“Howlgal ka dhacay degmada ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii saldhiga booliska, waxaan tacsi u direyna ehelladii uu ka geeriyooday iyo dhamaan dadka reer Xudun” ayuu yiri duqa degmada Xudun.

Waxaa uu sheegay in kooxaha soo weeraray saldhiga ee dilay taliyaha ay daba socdeen gaari khamri siday iyo dadkii watay oo saaka laga soo qabtay duleedka degmada Xudun.

duqa degmada Xudun ee gobolka Sool Maxamed Jaamac Xirsi ayaa intaas ku daray in Mukhaadaraadka gaar ahaan khamriga iyo kooxaha ka ganacsada ay dhibaato ku hayaan degmadaas, isagoo maamulka Somaliland ka dalbaday in gacan laga siiyo arrintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin la tuhmayo in uu Sirdoon u ahaa Al Shabaab oo xabsi la dhigay

Cabdi Cade

Nin lagu helay inuu u gefay Nebi Max’ed NNKH oo xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali

Wareysigii Madaxweyne Farmaajo oo lagu tilmaamay Nin kaligii garamay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---