Allbanaadir.com
NEWS

AMISOM oo weji cusub la soo baxday & Masuul kale oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka Aadan cadde

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Somalia Mahad Cabdalla Cawad ayaa loo diiday inuu gudaha galo kana dhoofo garoonka Dayuuradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Falkani ayaa noqonaya kii labaad ee ciidamada AMISOM kula kacaan masuuliyiin ka tirsan labada aqal ee golaha shacabka.

Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa u diiday inuu garoonka dhaafo Guddoomiye Cawad iyo Wafdigiisa oo dalka dibadiisa u socday.

Cawad ayaa la sheegay inuu ka baaqday Safarkii uu u socday ka dib markii loo diiday inuu garoonka galo, isagoo dib ugu laabtay hoygiisa.

Sidoo kale Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenkiisa Koowaad ayaa Saacaddo badan lagu xanibay garoonka Aadan Cadde manta ka dib markii ay is hortaageen ciidamada AMISOM.

Taliska ciidamada AMISOM ayaan illa hadda war ka so saarin falalka manta ciidamadooda ay isku hortaageen masuuliyiin ka tirsan labada aqal oo ka dhoofi rabay garoonka Aadan cadde sidoo kale dowlada Somalia ayaan ka hadlin falalkan oo xildhibaano badan ay cambaareeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir muhiim ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo furmay

Cabdi Cade

Israa’iil oo micno la’aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey

Cabdi Cade

Sawirro” Muqdisho oo lagu qabtay nin Lacag been abuur ah dadka ku siri jiray iyo rag kale oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---