Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Taageerayaasha Ururka Kaah kala qeyb galay Isu soo bax (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimid Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.
 
Madaxweynaha ayaa markii uu qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.
 
Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.
 
Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.
 
Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hada Ururku usoo sharaxay ka mid noqoshada golaha deegaan degmada Qardho.
 
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo sugaya Amniga Deegaanno laga saarayo Al Shabaab oo la diyaariyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Hadal Haynta Ugu badan maanta oo noqotay Khudbadii Madaxweyne Farmaajo

admin

Taliye sare oo katirsanaa Ciidamada Israa’iil oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---