Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in Caqabad ku yahay in dalka ka dhacdo doorasho

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mudo ku dhaw sanad ku fadhiya kursiga isaga oo mudo xileedkiisu dhamaaday, waxaana wali muuqan in doorashada ku dhaceyso waqtigii horey loogu heshiiyay.

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in sanad kahor Baarlamaanka Soomaaliya meel mariyeen heshiiska doorashada dadban, waxa uuna xusay in doorashada dalka ay qas , jahawareer iyo hubaal la,aan ilaa wali ku jirto.

”Sanad ka hor 20kii September 2020 ayaa Baarlamaanka Fedaraalku meel mariyey heshiiska doorashada dadban. Waxaase ayaan dari ah in ilaa maanta doorashadii dalku ay qas , jahawareer iyo hubaal la,aan ku jirto, taas oo khatar galin karta xaaladda siyaasadeed, amni iyo tan dhaqaale ee dalka.” ayuu yiri Musharaxd Guuleed

Musharaxa ayaa sheegay in masuuliyada dib u dhaca doorashada uu leeyahay Madaxweyne Farmaajo uu tilmaamay in uu caqabado isdaba joog ah u dhigayo sidii dalka doorasho uga dhici laheyd.

”Waxaa hubaal ah in ma’uuyadda arinkaas uu leeyahay Maxadweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo ilaa haatan caqabado isdaba joog ah u dhigaya sidii dalka doorashadu habsami ugu qabsoomi laheyd.” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Jadwalka doorashada Soomaaliya oo horey loo soo saaray ayaa marar badan fashil ku yimid, waxaana hada socda kaliya doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare iyadoona bilaaban doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo muhiimad gaar ah leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/8dE3al_sYGY

Related posts

Ololaha Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka duwan kuwii hore iyo Sababta ka dambeysa

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Odayaashii lagu xirxiray Cadaado oo loo gudbiyey Saldhiga Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Somalia oo sanadkii hore marti gelisay Qaxootigii ugu badnaa oo ka yimid saddex dal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---