Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo xireysa Safaaradeeda Masar iyo Sababta oo la shaaciyay

Dowlada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay albaabada isugu dhufaneyso safaarada ay ku leedahay magaalada Qaahira Caasimada dalka Masar ,xili uu sii xoogeesanayo khilaafka labadaasi dal u dhaxeeya.

Danjiraha Itoobiya u jooga Masar, Ambassador Markos Tekle Rike, ayaa Warbaahinta u sheegay in bisha soo socota ee October la xiri doono safaaradooda Masar, waxa uuna xusay in sababta loo xirayo ay tahay dhaqaalo daro lasoo daristay dowlada.

Waxa uu sheegay Danjiraha in qorshaha uu yahay in safaaradooda Masar ay xirnaato mudo sadex bilood ilaa lix bilood, waxa uuna beeniyay in sababta safaarada loo xirayo ay tahay xiisada u dhaxeysa labada dal ee ka dhalatay muranka biyo xireenka Wabiga Niil.

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in ay wado Qorshe lagu xiri doono ilaa 30 Safaaradood oo ka mid ah Xarumaha Diplomaasiyadeed ee ay Ethiopia ku leedahay qaar kamid ah dalalka Caalamka.

Itoobiya ayaa xiligan wajaheysa xaalado adag oo is biirsaday sida colaada gobolka Tigrey iyo colaado kale oo qoqmiyado salka ku haya, waxaana Itoobiya taageerada ka jartay qaar kamid ah wadamada caalamka oo horey u taageeri jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/8dE3al_sYGY

Related posts

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo la Ciiday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin ku qeylinayay Allahu Akbar oo weerar ku qaaday Dalxiisayaal ku sugnaa Paris iyo khasaaro…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---