Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa la sheegay in manta muddo saacado lagu xayiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kadib markii ay hor istaageen ciidamada AMISOM.
Wararka laga helayo Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ilaalada garoonka ay muddo saacaddo ah xayireen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo Garoonka u tegay inuu dalka ka dhoofo.
Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin dadaal u galay arrintan ayaa markii danbe ku guuleystay inay fasaxaan guddoomiyaha Aqalka sare.
Arrintan ayaa dhalisay inay si weyn uga caroodaan xildhibaannda aqalka sare oo kulan degdeg ah ka yeeshay, iyagoo cambareeyay falka lagula kacay guddoomiyaha Aqalka sare.
Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM inay jawaab degdeg ah ay ka bixiyaan falka lagu xanibay Gudoomiyaha Aqalka Sare oo illaa hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com