Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

Muxuu RW Rooble kala hadlay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay howlaha u qabsoomay ilaa hadda iyo sida ay uga go’an tahay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay u gutaan si waafqasan habraaca guddiga ee xal u helista cabashooyinka soo ifbaxa.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiga kula dardaarmay in ay waajibaadka ka saaran hannaanka xallinta khilaafaadka ku saabsan doorashooyinka u gutaan si hufan oo caddaalad ah.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar gelinta howlaha doorashada Xildhibaanada gobollada woqooyi, maamulka dhaqaalaha ku baxaya, xareynta ergooyinka, amniga iyo hufnaanta doorashada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi (Somaliland), Wasiirka Maaliyadda, Taliyaha Booliska iyo Guddiga farsamada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xoogaga Taliban oo go’doomiyay gobolka kaliya ee ka soo horjeeda xukunkooda

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo Shaaciyay Qorshayaal dowladda Federaalka damacsaneed uu kahor yimid

Cabdi Cade

Fanaanad u dhalatay dalka Mareykanka oo qaadatay Diinta Islaamka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---