Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddiga u ilaalinta Kootada Haweenka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay guddiga qaabilsan ilaalinta Kootada Haweenka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sidii Haweenku uga heli lahaayeen kooto ku filan Baarlamaanka, waxaana Guddigu uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland fursada uu Dowladda Puntland kasiiyay Haweenka iyo sida uu kooto uga siiyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la wadaagay guddiga kaalinta ay Haweenku ku leeyihiin dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed, isagoo xusay in Dowladda Puntland ay tixgelinayso kootada Haweenka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed Batuulo Shiikh Axmed Gabale oo hoggaaminaysa Guddiga, xubno guddiga ka mid ah, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Puntland.

https://youtu.be/DUYcHylTVqE

Related posts

Gabar Ardayad ah oo maanta lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Cabduqaadir Maxamuud Cali (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor-qoor oo Magacaabay guddi ay ku jiraan Wasiiro iyo Saraakiil ciidan (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---