Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo War kulul ka soo saartay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Xafiiska Qaramada midoobay ee Somalia ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay bar kontrol oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada Villa Somalia taasoo ku taalla agagaarka Ceelgaabta.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay cambaareynaysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay maanta meel u dhow albaabka laga galo Villa Somalia ee Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM.

Sidoo kale, waxaa uu tacsi loogu diray qoraalka qoysaskii ay ka geeriyoodeen iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.

“Waxaan tacsi u direynaa qoysaska dhibanayaasha, waxaana u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah kuwa ku dhaawacmay, waxaan markasta garab taaganahay dhammaan Soomaalida si looga hortago falalka argagaxisada ah ee foosha xun” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka QM.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay 9 kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo barqadii maanta ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaabta ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel u dhow bar kontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir Sadex Geesood ah oo u socda Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea (Sawirro)

Cabdi Cade

70 sano jir kufsi kula kacay haweeney bukaan ah oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Jubbaland oo maamul cusub u magacowday degmo ka tirsan Gedo (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---