Allbanaadir.com
NEWS

R/Wasaare Rooble oo ka hadlay Geerida Hibaaq Abuukar oo ku geeriyootay Qaraxii Muqdisho

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgooska Ceelgaabta ee  Muqdisho waxaa dadkii ku dhintay kamid aheyd Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Hibaaq Abuukar  oo kamid aheyd la taliyaashiisa, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay Hibaaq in ay aheyd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl

Qoraal kasoo baxay Ra’isul Wasaare Rooble ayuu sidoo kale ugu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho, waxa uuna ku baaqay in la isku tashado si looga adkaado kuwa shacabka leenaya.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 10-qof oo u badnaa dad shacab ah oon waxba galabsan kuwaa oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Afar qodob oo ay ka wada hadlayaan Madaxweyne Farmaajo & RW Abiy (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dab xooggan oo xalay saqdii dhexe qabsaday Suuq ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe oo hal arrin ka balan qaaday shacabka Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---