Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Diyaarado wada Ciidamo Kumaandoos ah oo ka degay Dhuusomareeb xili Ahlu Sunna hub …

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi gaareen diyaarado wada ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan kumaandoos.

Ciidamadan ayaa watay hubka nuucyadooda kala duwan waxaana loogu tala galay in ay xoojiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb iyo deegaanada kale ee ku dhaw dhaw.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan cusub ee magaalada Dhuusomareeb la geeyay ayaa yimid kadib markii hogaanka Ahlu Sunna Waljameeca oo dhawaan gaaray deegaano katirsan Galgaduud halkaasi ka bilaabeen hub aruursi iyo abaabul ciidan.

Ciidamo badan oo daacad u ah Ahlu Sunna ayaana saldhig ka dhigtay deegaan qiyaastii 30-km u jira magaalada Dhuusonareeb taa oo abuurtay cabsi laga qabo in ciidankaasi ay soo weeraraan magaalada Dhuusomareeb.

Dowlada Soomaaliya ayaa marar badan ciidamo isugu jira booliis iyo milatari u daabushay magaalada Dhuusomareeb oo saldhig u ah maamulka Galmudug, waxaana ciidankan loogu tala galay in ay difaacaan maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Qoor Qoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/s__ZVoIRnZw

Related posts

Jabhada TPLF oo War kasoo saartay Wadahadalada ay la galayaan Dowladda Itoobiya

Cabdi Cade

Boqor Salmaan oo isbitaal loola cararay iyo xanuunka ku dhacay oo la shaaciyay 

Cabdi Cade

Musharax Xildhibaan Generaal Gaafow oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuuso Mareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---